World Wide Web Consortium

  A. Sidee ayuu W3C ku bilowday?

W3C waa urur caalami ah oo la aasaasay sanadkii 1994 si uu u horumariyo oo u dejiyo heerarka webka.


B. Yaa ku biiri kara W3C? Waa immisa kharashka ku biirsta ?


Yaa ku biiri kara W3C?

Ururka W3C wuxuu u furan yahay cid kasta oo danaynaysa horumarinta iyo nidaaminta webka.

waxaa kamida:

  • Shirkadaha tiknoolajiyada – Sida Google, Microsoft, Apple, iyo shirkadaha sameeya software-ka iyo qalabka webka.
  • Machadyada waxbarashada – Jaamacado iyo xarumaha cilmi-baarista ee horumariya teknoolojiyada webka.
  • Dowlado iyo hay'ado cilmi-baaris – Dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya xeerarka webka.
  • Shakhsiyaad – Qof kasta oo raba inuu ka qaybqaato horumarinta heerarka webka (inkasta oo ay tahay in la buuxiyo shuruudo gaar ah).


  • Waa immisa kharashka ku biirsta ?
    Qiimaha ku biirista W3C wuu kala duwanaan karaa.
    sida:
  • Shirkadaha waaweyn waxay bixin karaan kumanaan dollar sanadkii.
  • Jaamacadaha iyo machadyada cilmi-baarista waxay helaan qiimo dhimis.
  • Hay'adaha aan faa'iido doonka ahayn iyo shakhsiyaadka waxay helaan fursado gaar ah oo qiimahooda hoos loo dhigi karo.


  • C. Waxaan Dooranayaa HTML:

    1. HTML waa luqadda aasaasiga u ah webka

    • HTML waa xudunta websaydhyada oo dhan, waana luqadda lagu dhiso bogagga internetka.
    • Waxaa la sameeyay 1991, waxaana si joogto ah u hagaajisa W3C.

    2. QHTML5 waa noocii ugu dambeeyay oo horumarsan

    • HTML5 waxay keentay astaamo cusub sida fiidiyow, cod, iyo awoodda loo leeyahay in lagu shaqeeyo webka xitaa internet la'aan.
    • Waxay si fiican ula shaqeysaa CSS iyo JavaScript si loo sameeyo webka casriga ah.

    3. W3C waxay hubisaa in HTML ay noqoto mid la jaanqaadi karta mustaqbalka

    • Waxaa jira sharciyo W3C dejisay si HTML ay ula jaanqaado dhammaan mashiinnada (browsers) sida Chrome, Firefox, iyo Edge.
    • HTML waa inay noqotaa mid la wada isticmaali karo, taasoo ka dhigaysa in dadka baahiyaha gaarka ah qaba (sida dadka aragga la' ama naafo ah) ay si fudud ugu isticmaali karaan websaydhyada.n

    By ilhaan mohamed hashi
    Id 1412

    Comments

    Popular posts from this blog

    HTTP/2

    Aisomalia