HTTP/2

  A. Yaa hormariyay HTTP/2?

HTTP/2 waxaa horumarisay Internet Engineering Task Force (IETF), taas oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa horumarinta borotokoollada internetka. HTTP/2 waxa uu salka ku hayaa SPDY, oo ay Google sameysay si ay u dedejiso loading-ka bogagga webka.


B. Goorma ayaa HTTP/2 la daabacay sida standard la aqoonsan yahay?

HTTP/2 waxaa si rasmi ah loo daabacay bishii May 2015, ka dib markii RFC 7540 loo ansixiyay sidii standard rasmi ah ee HTTP/2.


C. Saddex hab oo HTTP/2 u yareeyo dib u dhac (latency) oo uu bogagga webka uga dhigo kuwo si dhakhso ah u furmaya:

1. Multiplexing (Dhowr codsi hal mar wada socda)

 HTTP/1.1 wuxuu bog kasta u dirayaa hal codsi markasta, taasoo keeneysa in codsiyada badan ay saf u galaan (queue).

 HTTP/2 wuxuu u oggolaanayaa in dhowr codsi hal mar la isku diro, taasoo si weyn u dedejineysa furitaanka bogagga.

2. Header Compression (Yaraynta xogta la dirayo)

 HTTP/1.1 wuxuu ku celceliyaa xogta headers-ka markasta oo codsi la diro, taasoo qaadata xawaare badan.

 HTTP/2 wuxuu isticmaalaa HPACK compression, taasoo yareyneysa xogta la dirayo si loading-ka uu u noqdo mid dhakhso ah.

3. Server Push (Server-ku wuxuu soo diraa xog horay loo baahan karo)

 HTTP/1.1 wuxuu sugayaa in browser-ku uu codsado faylasha sida CSS iyo JavaScript.

 HTTP/2 wuxuu u oggolaanayaa server-ka inuu browser-ka siiyo faylasha muhiimka ah xitaa kahor inta uusan weydiisan, taasoo dedejineysa furitaanka bogga.


By ilhan mohamed hashi
Id 1412

Comments

Popular posts from this blog

Aisomalia

World Wide Web Consortium